Maxkamad ku taal Nairobi ayaa u ogolaatay booliska muddo 15 beri ah xabsiga ku hayn karaan darawalkii wadey gaarigii ay saarnaayeen 2 dhaqaatiirta Kuubaanka ka mid ah.

Dhaqaatiirtani ayaa lagu afduubtay magaalada Mandheera, Ninka haatan boolisku soo qabteen ayaa lagu magacaabaa Isaack Ibrein Robow.

Waxa la soo hor istaajiyey garsooraha maxkamadda Milimani oo lagu magacaabo Muthoni Nzibe halkaasi oo xukunkani lala raadinayo baaritaanno dheeri ah.

Kiiskan ayaa maxkamadda laga sheegi doonaa Abriil 30-keeda 2019.

Dhaqaatiirta lagala degay baabuurka waxaa lagu kala magacaabaa Landy Rodriguez (oo ahaa dhaqtarkii qalliinka) iyo Herera Correa (oo ahaa dhaqtar caafimaadka guud.)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here