Xirmo lacago qalaad ayaa gacanta lagu dhigay.

Lacagahan ayaa laga helay guri ku yaal wadada Kiboko-Mukoma ee caasimadda Nairobi.

Baareyaal ka socday laanta dembi baarista ee DCI ayaa u dhacay guriga lacagtu taalley.

Waxaana halkaasi laga soo qabtay 8 qof oo laga shakisan yahay kuwaasi oo 4 ay yihiin dad ajnabi ah, 4-ta kalena ay yihiin Kenyaan.

Lacagta ayaa ah kala aheyd doolar been-abuur ah, lacagta Zaambiya ee Kwachas oo been abuur ah iyo ilaa 100 kilograms oo dahab been abuur ah Afarta ajnabiga ah ayaa u kala dhashay wadammada Koongo, Tanzaaniya, 2 Nigerian ah.

Halka Kenyaanku ay ahaayeen 4 Kenyaans dhammaantoodna waa la soo xiray iyaga oo sugay in maxkamad la soo taago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here