Uuro iyo Holad ka kacaya kaniisadda weyn ee bartamaha magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Madaxweynaha Faransiiska Emmannuel Macron ayaa ugu baaqay dowladaha waaweyn in ay gacan ka geystaan dib u dhiska kaniisadda weyn ee Notre Dame Cathedral ee gubatay maalinimadii shalay.

Dab weyn ayaa qabsaday kaniisadda caanka ah ee Notre-Dame Cathedral ee bartamaha caasimadda wadanka Faransiiska ee Paris on.

Holac iyo dab isqabsaday ayaa mar qur ah lagu arkay bartamaha magaalada Paris. Waxaana gubashada kaniisadda ka hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron isaga oo xitaa baajiyey khudbad uu telefishinka dalkaasi ka jeedin lahaa oo uu siyaasadda dalkaasi uga hadli lahaa.

Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa twitter-kiisa ku soo dhigay in dabku ahaa mid “Xooggan”
Afhayeen u hadlay Kaniisaddani weyn ayaa sheegay in kirishtaanka Kaatoliga ah ay isku diyaarinayeen in ay u dabaaldegaan munaasabadda Easter, kaasi ay ka warheleen dab mar qur ah ku kacay kaniisadda bartamaha Paris ee Notre-Damme.

Kaniisadda Notre Dame oo ladhisay 800 sano ka hor ayey dadka Faransiiska ah u yaqaaneen goob taariikhi ah waxaana sanad walba dalxiis ahaan u tagi jiray malaayiin qof ka kala socota caalamka.

Hey’adda UNESCO ayaa sagaashameeyadii Kaniisadda Notre Dame iyo Burjigeeda ku dartay goobaha ay u aqoonsantahay in ay yihiin taariikhi.

Gawaari dab demis ah ayaa u sii deg degayey dhanka kaniisadda Ile de la Cite — waxaana boolisku ay digniin ku bixinayeen in laga leexdo gawaarida gurmadka ee ku sii yaacayey gubashada kaniisada.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa twitter-kiisa ku soo qoray: “Waxa dabku ahaa mid halis ah oo ka kacay kaniisadda Notre Dame Cathedral ee Paris. Laga yaabe haddii diyaarado booyado biyo ah sida ay dul heehaabi lahaayeen kaniisadda in dabkaasi loo demin lahaa si dhaqsiyo leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here