Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in uu taageero badan ka raadsan doono dhanka Kaniisadda si ay ugu suuro galaan ololayaashiisa doorashooyinka dalka.

Weerar dahsoon oo uu ku qaaday hogaamiyaha ODM Raila Odinga ayaa madaxweyne ku xigeenka waxa uu sheegay in aysan isaga waxba u dhimi doonin hadallada ‘Been abuurka iyo brobogaandada” isugu jira ee uga imaanaya dhanka Raila.

Ruto ayaa hadalkiisa ku daray in mucaaradka iyo siyaasiyiin kaleba ay isku dayeyaan in ay isaga hamiga ka dilaan isla markaasina siyaasiyan ay ku ceebeeyaan dadka hortooda.

Ruto ayaa sheegay in mucaaradka ay joojiyaan in ay Jubilee u meeriyaan sida ay u maamulayaan dalka.

Guutooyin xildhibaanno ah oo ka mid ah kooxda loogu yeero magaca Tanga Tanga ayaa kulanka ku wehliyey William Ruto waxaana ay wacad ku mareen in ay taageero la garab istaagi doonaan Ruto, musharaxnimadiisa sanada 2022-ka.

Senatorrada maalintii shalay la socday isaga waxaa ka mid ahaa Afhayeenka aqalka Senate-ka Kenneth Lusaka, xildhibaan Benjamin Washialia oo laga soo doorto (Mumias East), Mr Emmanuel Wangwe (Navakholo), Mr Bernard Shinali (Ikolomani), Mr John Walukhe (Sirisia), Mr Malulu Injendi (Malava), iyo Mr Dan Wanyama (Webuye West).

Waxaa sii xoogeysanaya xifaaltanka iyo ereyada isku xumeynta ah ee ay is-dhaafsanayaan kooxaha la kala baxay magacyada Tanga Tanga iyo Kieleweke.

Siyaasiyiinta Kieleweke ee Ruto ka soo horjeeda ayaa ku eedeeynaya in uu lacagihii dowladda uu u weeciyey dhanka kaniisadaha Kaathooliga, halkaasi oo uu sheegayo in uu wanaag ka diyaarsanayo kaniisadaha.

Dhanka kale, taageerayaasha Ruto ayaa u jawaabay xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha COTU Fransic Atwoli, waxaana taageerayaasha Ruto ay sheegeen in ay been tahay hadalladii uu Atwoli ku dhawaaqay ee ahaa in hal ka mid ah warqadaha doorashooyinka 2022-da aan lagu arki doonin magaca William Ruto.

Waxa ay sheegeen in Atwoli uu taageersan yahay dhinaca Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here