Guddiga milletari ee haya talada wadanka Suudaan ayaa maalinimadii shalay shaaca ka qaaday in ay shaqadii ka joojiyeen danjirihii wadanka Suudaan ka fadhiyey wadanka Mareykanka.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay go’aansadeen in ay xilka ka qaadaan safiirkii Suudaan ka fadhiyey Washington, Maxmaed Atta, sida uu sheegay afhayeenka dowladda cusub ee Suudaan Jeneraal Shamseddine Kabbashi.

Danjiraha xilka laga xayuubiyey Maxamed Atta, oo isagu ahaan jirey sirdoon hore oo heysan jirey hey’adda mukhaarabaadka Suudaan ee NISS ayaa danjirenimada loo magacaabay bishii July 2018 xilli wadanka Suudaan laga qaaday cunoqabateymo badan oo Mareykanku hore u saaray wadanka Suudaan.

Waxaa sidoo kale uu diblumaasigani ka mid ahaa koox horin diblumaasiyiin aheyd oo wadahadal la gashay xukuumadda Mareykanka si Suudaan looga qaado cunaqabateyntii dhanka dhaqaalaha October sanadkii 2017-kii.

Isbedellada ay sameeyeen golaha milleteriga dalkaasi ayaa waxa ay ku sheegeen in 3 wadan danjireyaashooda dib loogu yeeray, waxaana ay kala yihiin Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway.

Maalinimadii Axada ayaa ay shaaciyeen in ay golaha milleterigu diyaarinayaan in ay talada ku wareejiyaan xukun shacbi ah sidaa darteedna la sameeyay isbedello badan.

Maamulka milleteri ay tilmaameen in ay iyagu sameyn doonaan sida ay dalbanayaan shacabka Suudaan.

Mareykanka ayaa Suudaan saaray cunaqabateyn caalami ah sanadkii 1997-kii kadib markii lagu eedeeyay Suudaan in ay taageerto mintidiinta Islaamiga ah iyo ururweynihii Al-Qaeda ee uu aasaasay Osama bin Laden kaasi oo la sheegay in uu ku noolaa Suudaan intii u dhaxeysay sanadihii 1992-kii ilaa 1996-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here