Dr Jane Kiringai, Gudoomiyaha Guddiga Qaran ee Qoondeynta Dakhliga..

MCA-yada dalka ayaa maanta kalfadhi uga furmayaa magaalada Kisumu.

Waxaa ahmiyadda kulanka la siin doonaa nidaamka cusub ee dakhli wadaagista ee ay soo dejiyeen Guddiga Qaran ee Qoondeynta Dakhliga dalka ee magacooda loo soo gaabiyo (CRA).

Kulankani ah shirkii 4-aad ee sharci-dejinta ee golayaasha MCA-yada qaranku ay yeelanayaan. Waxaana looga hadlayaa arrimaha ku soo kordha horumarinta iyo wax ka bedelka miisaaniyaddaha ismaamullada (kowntiyada) dalka.

Gudoomiyaha Guddiga Qaran ee Qoondeynta Dakhliga Dr Jane Kiringai, ayaa lagu wadaa in ay shirka xariga ka jarto iyada oo halkaasi ka soo jeedin doonta habka u degsan guddigeeda, ka hor inta aanu madaxweyne Uhuru Kenyatta uusan si rasmi ah u furin kalfadhiga MCA-yada.

Habka cusub ee la soo dejiyey ayaa gorfeynaya wadaagista ilaha oo ku dhisan qaab goboleed, iyada oo ahmiyad weyn iyo weliba qeyb libaax la siin doono caafimaadka iyo wax soo saarka beeraha.

Marka loo eego guddga qaran ee Qoondeynta Dakhliga ayaa waxaa kalfadhiga MCA-yada waxaa lagu xaqiijin doonaa maamulka ilaha dhaqaale iyo xaqiijinta iyo ahmiyad siinta mashaariicda ka jira kowntiyada dalka si loo sii xaqiijiyo kor u qaadista canshuur uruurinta iyadoo la abaalmarin doono kowntigii ugu canshuur qaadis fiicnaada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here