Senator-ka lagu magacaabo Okongo Omogeni ayaa u sheegay hogaamiyeyaasha degaanka Nyamira in ay joojiyaan in ay yareystaan hadalkii wasiir Matiang’i ee ku aadanaa afduubka labada dhaqtar ee ka yimid wadanka Kuuba.

Mas’uulka ayaa sheegay in ay tahay arrin amni oo dhab taasi oo aan loo baahneyn in la yareysto.

Omogeni oo la hadlayey shacabka degaankaasi ayaa sheegay sheegay in loo baahan yahay in ay hogaamiyeyaasha degaanka ay taageeraan wasiirka amniga.

“Afduubka dhaqaatiirta waa in aan lagu eedeeynin wasiirka waan in aan ka taxadrnaa ereyada afkeena ka soo baxaya, wasiirkani waa wasiir aad u dadaal badan aan siino kaalmada uu inooga baahan yahay intii aan isaga eedeeyn kula jeesan laheyn. ayaa uu senatarka ka sheegay halkaasi.

Senatorka ayaa u sheegay hogaamiyeyaasha agagaarkaasi in aysan qofna u ogolaanin in uu dagaal afka ah ku qaado wasiirka, waxaana uu uga digay in haddii ay sidaasi sameyn waayaan aysan aheyn kuwo iyagu nasiibkoodu uu saaciday, ayna dhib fooda gelin doonaan”

Omogeni dhaleeceeyay afduubka dhaqaatiirta loo geystay waxaana uu talo ku soo jeediyey in dowladdu ay xaqiijiyo badbaadada dhaqaatiirta dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here