Xukuumadda wadanka Itoobiya iyo jabhadda ONLF ayaa kala saxiixday heshiis ay ONLF ku wareejinayso hubka iyo ciidammada.

Jabhadda ONLF ayaa wareejisay ilaa 2,000 oo askari.

Waxa ay ciidammadani badankood kala soo kala laabteen meelihii ay saldhigyada ku lahaayeen oo ay ugu badan yihiin wadammada deriska la ah Itoobiya sida Jabuuti iyo kuwo kale.

Xoogagga mucaaradka ee u dagaalami jirey ONLF ayaa waxaa loo furi doonaa barnaamijyo dhaqan celin ah iyadoo hubkana laga qaadi doono.

Waxaana nidaamkani cusub ee lagula wareegayo maleeshiyaadkii jabhadda ONLF ay qeyb ka aheyd heshiis ay horey u kala saxiixdeen xukuumadda Itobiya iyo jabhadaasi ONLF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here