Ciidammada daacada u ah dowladda wadanka Liibiya ee daciifka ah ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad milleteri oo ay leeyihiin ciidammada jabhadda LNS ee dagaalka kula jirta dowladda Liibiya.

Hadalkani ayaa ku soo beegmaya iyada oo hogaamiyaha LNA Khalifa Haftar, uu xilliga diyaaradda laga soo ridayey uu shir kula jirey madaxweynaha wadanka Masar Cabdifitaax Al-Sisi.

Ilaha millitari ayaa sheegay in dagaallo culus ay ka soconayaan duleedka caasimadda Tripoli halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidammada labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in kadib markii ciidammada dowladdu diyaaradda soo rideen ay dhacday in duuliyihii uu goobta ka baxsaday kaasi oo ay sheegeen in uu ku booday baarashuudka diyaaradaha.

Ciidammada dowladda Liibiya ayaa sheegay in ay baadigoobayaan duuliyaha diyaaradaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here