Ardyayad sanadkii 3-aad dhiganeysay jaamacada Pwani University ee degaanka Kilifi ayaa looloa cararay isbitaalka gobolka xeebta ee Coast General Hospital kadib markii uu tooreey geliyey wiil ay saaxiibo ahaayeen.

Gabadha haatan mindida lagu dhiftay ayaa waxaa mindida la geliyey xabadka dhowr jeer.

Ninka weeraray ayaa magaciisa lagu sheegay Henry Kipkoech, oo ahaa isaguna ardey ka tirsan jaamacadda Kenyatta University.

Ninka dhibka geystay ayaa la sheegay in uu gabadha qolkii ay ka deganeyd jaamacada ugu soo galay Axadii shalay isaga oo wata boorsad ay ku jiraan 3 mindiyood.

Waxaana uu hoosta ka xirtay iridka halkaasi oo uu ka sii ambaqaaday in uu haweenayda weeraro, iyada oo qeylo dhaanteeda ay maqlayeen ardeyda kale.

Ardeyga dhibka sameeyay ayaa lagu xiray saldhiga Kilifi booliska ee Kilifi.

Horey ayaa waxaa u jirtey in jaamacada Moi maalmo ka hor masar lagu dilay gabar 25 jir ah oo lagu magacaabey Ivy Wangechi, taasi oo uu dilay ninka saaxiibtinimo gabadhaasi ka doonayey oo lagu magacaabey Naftali Kinuthia.

Waxaana falka tooreeyda ah ee haatan ka dhacay jaamacada Kenyatta University uu yahay mid isaguna cusub oo gabadhani kale lagu tooreeryay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here