Waaxda Duur-joogta Qaran ee magaceeda loo soo gaabiyo KWS ayaa Kenyaanka siineysa fursad ay ku booqan karaan beeraha xayawaanka duurjoogtu ku nool yihiin ee caasimadda Nairobi maalmaha Axadda iyo Isniinta.

Waxaa arrintan loo sameeyay sababo la xiriira dadweynaha oo ka geystay horumarinta xayawaanaadka duujoogta dalka.

Meelaha dadka lacag laga qaadi jirey balse hadda la booqan karo lacag la’aan waxaa ka mid ah beerta Duurjoogta ee Nairobi National Park, beerta Nairobi Animal Orphanage iyo beerta Nairobi Safari Walk.

Waxaa barnaamijkan Sabtidii iclaamiyey wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta iyo wasiirka dalxiiska Najib Balala xilli uu ka qeyb qaadanayey kulankii 5aad ee Ororadada Global March for Elephants, Rhinos, Lions iyo Xayawaanka kale oo ka dhacayey xarunta weyn ee KWS ay ku leedahay caasimadda Nairobi.

Facebook Comments