Jeneraal Cabdul-Fetaax Al-Burhan, madaxweynaha cusub ee dowladda ku meel gaarka ah ee Suudaan.

Hogaamiyaha dowladda ku meel gaarka ah ee Suudaan ayaa sheegay in uu labo maalmood ku soo dhisayo dowlad dhexe kadib afgembigii dalkaasi milleterigu kula wareegeen.

Jen. Cabdul fataax al-Burhan ayaa shaaciyey in uu dib u qaabeyn ku sameyn doono hey’adaha dowliga ah ee dalkaasi, sida uu ku sheegay war uu ka jeediyey telefishinka dalkaasi.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay weli dibadbaxayaashu ay sheegeen in aaney ka tageynin wadooyinka ilaa talada dalka lagu wareejinayo xukun shacbi ah.

Sidoo kale hogaamiyaha ayaa qaaday tilaabo lagu soo afjarayo bandowgii dalka saarnaa, waxaana uu xaqiijiyey in la sii daayey dadkii la xiray kadib markii ay bilowdeen banaanbaxyada dalkaasi ka soconayey muddooyinkii ugu dambeeyay.

Ninka lagu magacaabo Ibnu Cawf ayaa isagu noqday mas’uul sare oo daaha gadaashiis ka dhiiba talada dalkaasi, tani iyo markii xilka madaxweynanimo loo magacaabay Jen. Burhan.

“Ciidammada Qalabka Sida ayaa sii wadi doona adkeynta nabadgelyada, kala dambeynta iyo amaanka guud ahaan Suudaan” ayaa lagu yiri baaq uu jeediyey wasiirka difaaca dalka Cawad Ibnu Cawf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here