Maamulka madaxweyne Kenyatta ayaa ilaaladii la sheegay in uu kala laabtay qaar ka mid ah hal xilshibaan iyo 2 gavanar oo ah kuwa taageera madaxweyne ku xigeenka dalka Willam Ruto.

Wararku waxa ay sheegayaan in ay dadka dowladdu ka qaaday askartii waardiyeynaysay ay kala yihiin gaavanaha kowntiga Kiambu Ferdinand Waititu, xildhibaanka laga soo doorto Kandara MP Alice Wahome iyo dhigeeda laga soo doorto Kikuyu Kimani Ichung’wa.

Waxa kale oo mas’uuliyiinta ilaalada laga wwatey ka mid ah senatorka Nakuru Senator Susan Kihika, iyo xildhibaanka laga soo doorto Bahati MP Kimani Ngunjiri. All of them belong to Team Tanga Tanga, whose leader is Dr Ruto.

Gaavana Waititu oo loo yaqaano Baba Yao ayaa sheegay in si aan rasmi aheyn looga qaatay iyadoo aan loo sharaxin sababta.

Ichung’wa oo isagu dalka dibadda uga maqan ayaa dhankiisa sheegay in aan lagu soo wargelinin in laga wadanayo ilaaladiisa, waxaana uu farta ku fiiqay xoghayaha arrimaha gudaha Karanja Kibicho oo uu tilmaamay in uu isaga ka dambeeyo ilaalada laga watay.

Waxa uu isweydiiyey xaalada ay ku sugan yihiin qoyskiisa inta uu maqan yahay, waxa ay noo sheegayaan in amarka xafiis sare laga soo siiyey, maxaa u dambeyn doona qoyskeeyga waan marka aan ka maqanahay sidaan oo kale.

Ms Jumwa, oo iyadu sidoo kale ku jirta guddga howlwadeenka baarlamaaniga ayaa sidoo kale waxa ay iyadu heysataa boodigaadhyo iyo baabuurta waardiyeeya waxaana ay u sheegtay dowladda in dib loogu hagaajiyo saraakiishii amnigeeda sugi jirtey si aysan shuruud ku jirin maadaama ay ay xaq sharci ah u leedahay.

Isaga oo ka hadlayey magaalada Mombaasa ayaa xildhibaanka laga soo doorto degaanka Kaloleni ee kowntiga Mombaasa Paul Katana ayaa uu ku booriyey in isbatooraha guud ee booliska dalka Hilary Mutyambai in uu si deg deg ah u isugu soo duwo ilaaladiisa.

Dhanka kale, afhayeenka booliska dalka Charles Owino ayaa sheegay in saraakiisha ay quseyso oo dhan laga yareynayo ilaalada isaga oo sheegay in ay isbedello lagu sameynayo saraakiisha ilaalada ah ee waardiyeeya mas’ulliyiinta dalka.

Horey ayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Fred Matiangi waxa uu u sheegay in dowladda qaran ay hoos u dhigi doonto heerka waardiyeynta madaxda dowladda u shaqeysa ee VIP-da loo yaqaan waxaana uu sheegay in saraakiisha loo daabuli doono in ay difaacaan dadweynaha rayidka ah ee muwaadiiniinta caadiga ah, waxaana uu wasiirku tilmaaay in askarta loogu talo galay in ay shacabka howl u qabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here