Kadib markii labo ka mid ah dhaqaatiirta Kuuba ee ku sugan dalka lagu afduubtay magaalada Mandheera ayaa waxaa dowladdu ay soo saartay dhammaan dhaqaatiirta Kuubaanka ah ee jooga kowntiyada Gaarisa iyo Wajeer.

Amniga ayaa la adkeeyay kowntiga Mandheera iyadoo saraakiisha amaanku ay fulinayaan howlgallo lug ah oo ay ku marayaan degaannada xuduudka la wadaaga Mandheera, sidoo kale waxa ay ciidamada ay howlgallo cirka ah ka fulinayaan degaannada ku teedsan kowntiga Mandheera.

Shacabka gudaha Mandheera oo ka kooban odayaal ayaa loo diray in ay waan waan galaan iyadoo sidoo kale odayaashu isku dayayaan in ay ku soo guuleystaan sii deynta dhaqaatiirta lagu kala magacaabo Landy Rodriquez iyo Assel Herrera Correa.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in dhaqaatiirta Kuubaanka ah ee joogey kowntiyada Gaarisa iyo Wajeer maalinimadii shalay loo soo duuliyey caasimadda Nairobi, xili la wado howlo lagu baadigoobayo saaxiibadoodii la afduubtay.

OCPD-ga Gaarisa Aaron Morasae ayaa sheegay in koox ka socota Gaarisa ay baxeen subaxnimadii Sabtiga, mana cada in ay dib u noqonayaan iyo in kale.

Booqasho lagu tegay isbitaalladii ay kahowlgalayeen ayaa lagu soo ogaaday in aaney dhaqaatiirtu soo shaqo gelin isla markaasina guryahoodana ay ka baxeen.

Ku xigeenka gaavanaha Gaarisa Abdi Dagane Muhumed ayaa sheegay in ay si weyn u qeysnayso arrimaha amniga ee haleelay dhaqaatiirta Kuubaanka ee halkaasi ka shaqeynaysay. Waxaa uusheegay in isbedello loo baahan yahay si loo xaqiijiyo amnig adegaanka.

Dhanka kale gaavaha wajeer Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in la faray in uu dhaqaatiirta labada ah ee ka shaqeynaysa Wajeer loo duuliyo Nairobi.

Dhanka Mandheera Odayaasha ayaa Jimcihii loo diray dhanka Soomaaliya si ay u dabo galaan halka ay mareen dadka wax afduubtay isla markaasina ay waan waan iyo wadahadal la galaan xubnaha la aaminsan yahay in ay afduubka geysteen ee ururka Al-Shabaab. Dadka degaannada ayaa sheegay in la aaminsan yahay in ay dhaqaatiirtaasi nool yihiin, maba marka ka dambeysana meel kale loo sii kaxeynayey, oo la kala bedelayey meelaha ay joogeen, isla mar ahaantaasi ayaa isbatooraha guud ee booliska dalka Hilary Mutyambai waxa uu kulan deg deeg ah ku qabtay xafiiskiisa isaga oo isugu yeeray dhammaan saraakiisha amniga maalinimadii shalay sababo la xiriira weerarka dhacay.

Afheyaanka booliska dalka Charles Owino ayaa sheegay in kulan ay qabteen Guddiga Qaran ee Amniga kuwaasi oo dib u eegis ku sameeyay afduubka loo geystay Dr Correa iyo Dr Rodriguez.

“Waxaanu wadnaa dadaal aynu ku xaqiijineyno siideyntooda, waxaana soo dhisnay koox badbaadintooda ka shaqeysa oo ajnabi iyo muwaadinba isugu jira.

Sirdoonka ayaa sidoo kale isha ku haya meel kasta iyada oo ugu yaraan labo diyaaradood loo xilsaaray howlgalka baadigoobka kuwaasi oo sutida u haya howlgallada saraakiisha ee uu horkacayo kaamishineer goboleedka Mandera.

Dhanka wadanka Kuuba, qoysaska dhaqaatiirta la afduubtay ayaa ka wel welsan xaaladda waxaana ay ka war sugayaan wax war ah oo badbaadada dhaqaatiirta ku saabsan.

Sheyla Herrera waa gabar 17 jir ah oo uu dhalay dhaqtar Correa, waxaaana ay ka hadashay sida ay uga naxsan tahay warka laga qariyey ee ku saabsan aabaheed iyadoo la hadashay wasaaradda caafimaadka ee wadankaasi Kuuba ayey sheegtay in aysan garaneynin sababta loogu sheegi waayey halka uu jiro aabaheed.

Waxa ay gabadhaasi sheegtay in afduubka ka hor ay aabaheed la hadli jirtey maalin kasta mar walibana uu isagu ahaa mid ku faraxsanaan jirey in uu aqoontiisa caafimaadka la soo wadaago meelaha ay dhibaatada ka jirto. Iyadoo tilmaantay in markii ugu dambeysay uu reerkiisa la hadlay Khamiistii la soo dhaafay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here