12 gabdhood ayaa laga soo qabtay meel Baar ah oo maqaayad ah oo ku taal degaanka Nyali, kowntiga Mombasa, waxa dadka la soo qabtay maalinimadii Sabtida iyadoo boolisku sheegeen in lagu soo qabtay howlgal loogu talo galay in looga hortago kala gooshinta dadka.

Booliska ayaa sheegay in howlgalkani lagu bartilmaameedsanayey sidii looga takhalusi lahaa ka ganacsiga haweenka iyo kala gooshinta dadka.

Dadkan ayaa gurigii ay ku jireen loogu dhacay 4am subaxnimo, milkiilihii rugta ayaa la soo xiray.

Asif Amirali Alibhai JeJetha ayaa heystay baasaboorka Kanada, booliska ayaa shaaca ka qaaday in ninkani uusan heysanin dhalashada Kanada, ayna baarayaan sababta uu u isticmaalayo baasaboorka wadanka Kanada.

Ku xigeenka abaanduulaha booliska gobolka xeebta Joseph Chebii ayaa qeexay in howlgalkaasi uu ahaa mid guul laga gaaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here