Hey’adda dib u soo kabsashada hantida shirkadaha ee loo yaqaan Assets Recovery Agency (ARA) ayaa baaritaan ku sameynaysa bangiyo ay xisaabaad ku shubteen 39 shaqaale ah oo u shaqeyn jirey hey’adda Wadooyinka Qaranka ee (KeNHA).

Shaqaalaha ayaa laga yaabaa in lagu soo qaado musuq-maasuq la sameeyay lacago la xawishay, iyo kuwaasi oo warqado iyo cadeymo ay muujiyeen waxyaalaha dhacay.

Shirkadda ayaa maxkamad ka dalbatay in in la baaro shaqaalaha u shaqeynayey hey’adda wadooyinka ee KenHA isla markaasina salkooda la eego xubnaha hey’adaasi u shaqeynayey kadib markii la sheegay in ay dhac u geysteen lacagtii hey’adaasi oo ay ma ka manaafacaadsadeen.

Waxa kale oo lagu wadaa 39-ka shaqaalaha ah in akownadooda la wada fariisiyo inta baaritannadu socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here