Fred Matiang’i, wasiirka amniga qaranka, kowntiga Kisumu

5 milyan oo Kenyaan ah ayaa loo diiwaangeliyey Aqoonsiga Qaran ee loo soo gaabiyo, sidaasi waxaa sheegay wasiirka amniga qaranka Dr Fred Matiang’i.

isaga oo ka hadlayey magaalada Kisumu oo uu wasiirku ku joogey kormeer shaqo ayaa waxaa uu isha soo mariyey diiwaangelinta Huduma Namba oo ka soconeysay fagaaraha ciyaaraha ee Jomo Kenyatta Sports Ground, halkaasi oo wasiir Mataingi uu ka sheegay in dowladda qaran ay diiradda saareyso in ay is diiwaangeliyaan 40 milyan oo Kenyaan ah meesha lagu gaaro May 17.

Wasiirka amniga qaran ayaa sheegay in Huduma Namba loo keenay si ay ugu faa’iidaan dadka oo dhan, “Ha dhageysanin waxyaalaha ay isla dhexmarayaan ee been abuurka ah,” ayaa uu yiri Dr Matiang’i oo shacabka kula hadlayey goobtaasi.

Waxa uu intaa ku daray in wasaaradiisu ay dhaqangelin doonto amarkii madaxweyne Uhuru Kenyatta ee ahaa in la furo xarumo dheeraad ah oo dadku iska diiwaangeliyaan xarumahaasi oo 12 subaxa diyaar noqonaya si dadka loogu sahlo in ay is diiwaangeliyaan inta aaney shaqo maalmeedkooda u bilaabanin.

Fred Matiangi ayaa ku booriyey Kenyaanka in ay ku daydaan madaxweynaha iyo hogaamiyaha mucaaradka dalka isla markaasina ay shacabka isku diiwaangeliyaan nidaamka cusub, taasi oo wasiirku sheegay in habkani uu meesha ka saari doono caqabado badan isla markaasina ay faa’iido badan u leedahay dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here