Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa difaacay dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka jidcadayaasha xaafadaha Muqdisho.

Wasiir Goodax Barre ayaa tusaale u soo qaatay dalka Al-Jeeriya oo horay dhibaato ugu dhacday in darbi lagu wareejiyay, isagoo xusay in dhagaxu uu yahay mid amniga lagu sugayo, isla markaana uu badbaadinayo nolosha dadka Soomaaliyeed.

“Al-Jeeriya baladkan dhan darbi ayaa lagu wareejiyay, markii ay dhiida noqotay, hada marka dhibaato dhacdo oo waagii baryo ay dad intaas ah dhimaneyso ma dhowraneyno, jid cadayaasha soo gala jidadka waa weyn dhagax ayaa lagu gooyay, si hal meel baladka looga soo galo, waa wax ku meel gaar ah” ayaa uu yiri C/llaahi Goodax Barre oo ka qeyb galayay dood ka baxday Telefishinka Universal.

Waxaa uu sheegay in gudaha magaalada ay ciidamadu ka wadaan howlgallo lagu sugayo amniga, waxaana uu intaa ku daray inuu socdo qorshe.

“Dhagaxu macno ayuu leeyahay, yaan la kahsan, halala shaqeeyo ciidamada, meesha dhagaxa uu ka dabdo kuwa kale dhiga, si dariiqa u saxmo, yaan afka la idin gelin dhagaxa xun ee ay leeyihiin nimanka mucaaradka ah, dhagaxa ma xuma Amniga ayuu sugaa nolosheena iyo dad Soomaaliyeed ayay badbaadineysaa”ayuu yiri wasiirka Waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here