Iyadoo ay dalka ka jiraan dad jecel in ay gargaar siiyaan shaqada booliska ayaa waxaa soo ifbaxaya qorshe cusub oo shacabka ku dhaqan degaanka Kilimani ay iskood u sheegeen in ay dhisi doonaan saldhiga booliska ee degaankooda.

Waxaa arrinkan bilaabay urur bulsho oo degaanka ah waxaana dadku ay u dhaqaaqeen in ay kaalmo ka geystaan 350 milyan oo ah qorshaha dhismaha saldhiga degaankaasi.

Waxaa ay sheegeen in ay aaminsan yihiin in saldhigaani in dhismihiisu uu lafdhabar u yahay xaaladaha la soo gudboonaada degaanno ay ka mid yihiin madaxtooyada qaranka, safaarado waaweyn, cusbitaallo, jaamacado iyo xarumo wasaaradeed kuwaasi oo saldhiggu ka agdhow yahay.

Mr Karanja Kabage, “Saldhigani runtii waa qeybta ugu muhiimsan qeybaha saldhigyada dalka, balse dhibka heysta haatan ayaa ah in qalabkiisu uu yahay mid liita.”

Horey ayaa dadka degaanka Kilimani waxa ay iska aruuriyeen 6 miyan iyaga oo ku dhistay ceelal biyood, taliyaha booliska ee degaanka Kilimani Michael Muchiri ayaa sheegay in ceelashii waagaas la dhisay ay wax weyn ka bedeleen nolosha saraakiisha booliska ee xarunta booliska ku dhaqan.

Waxa sidoo kale dadka degaanka ay howlgal shaqo oo lagu nadiifinayo saldhigga booliska ka dhex sameeyeen saldhigga dhexdiisa iyadoo dadku ay saldhigga ka bixiyeen biraha iyo gawaarida duqoobey ama shilalka soo galay, kuwaasi oo shacabku ka nadiifiyeen goobta.

Dadka degaanka Kilimani ayaa sidoo kale leh maalmo loo dabaaldego shaqooyinka booliska oo la qabto munaasabado wadooyinka la isugu soo baxo oo loo yaqaan Kilimani Street Festival, waxaana maalmahaasi saldhigga agagaarkiisa lagu beeraa geedo waxaana shacabku ay la qadeeyaan saraakiisha booliska iyadoo la qabto xaflado lagu xoojinayo shaqada ciidanku u hayo bulshada.

Ms Leilah Juma, waa xubinka tirsan shacabka howsha dib u dhiska ka wada saldhigga booliska waxaana ay sheegtay in dadka degaanka ay dadaalkani u sameynayaan kadib markii ay fahmeen muhiimadda amnigu u leeyahay bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here