Odayaasha Mandheera ayaa u ruqaansaday kana tillaabay xuduudka waxaana ay u dhaqaaqeen dhanka Soomaaliya.

Wararku waxa ay sheegayaan in ay odayaasha Soomaalida ee Mandheera ay doonayaan in ay wadahadal la galaan kooxaha Al-Shabaab ee iyagu afduubtay 2 dhaqtar oo u gargaarayey dadka degaanka Mandheera.

Kooxda Al-Shabaab ayaa laga cabsi qabaa in ay iyadu maalinimadii Jimcaha labo dhaqtar ka afduubteen bartamaha magaalada Mandheera iyaga oo u sii kaxeystay gudaha wadanka Soomaaliya.

Odayaasha bulshada Soomaalida ah ayaa aad loo aaminsan yahay waxaana lagu wadaa in ay yeeshaan awood ay ku xaliyaan marxaladaha khatarta ah ee degaanka la soo gudboonaada mararka qaar.

Ugu yaraan 10 oday ayaa u kicitimay dalka Soomaaliya maalinimadii shalay si ay u bilaabaan wadahadallada.

Ilaa 100 dhaqaatiir u dhalatay wadanka Kuuba ayaa iyagu yimid wadankani Kenya si ay uga shaqeeyaan 47-da kownti ee dalku ka kooban yahay.

Waxaana imaanshahooda uu ka dambeeyay kadib heshiis ay aqoon is-weydaarsi ah oo ay gaareen wadammada Kenya iyo Kuuba waxaana barnaamijkaasi dalka looga diray 50 ardey caafiimaad ah oo Kenyaan ah halka 100 dhakhaatiir takhasusi ah ay ka yimaadeen dhanka dowladda Kuuba sanadkii hore.

Maalinimadii Jimcaha ayaa kooxaha laga shakisan yahay ee Isaamiyiinta ka dagaalama Soomaaliya waxa ay afduubteen dhaqaatiirta Kuubaanka ah ee lagu kala magacaabo Herrera Correa iyo dhaqtar Landhi Rodriguez kadib markii jidka loo galay.

Waxaa sidoo kale afduubka lagu dilay askari ilaalinayey dhaqaatiirta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here