Kowntiga Laikipia ayaa hirgeliyay mashruuc biyood ku kacaya 143 milyan oo shillin.

Mashruuca ayaa la rajeynayaa in ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 25,000 dadka degan degaannada kowntigaasi.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u fuliyey dowladda kowntiga iyo hey’adda Water Sector Trust Fund, waxaana lagu wareejiyey shirkad kunturaad ku qaadatay dhismaha maalinimadii Khamiista, waxaana la rajeynayaa in 6 bilood gudaheed ay ku bilaabato howshu.

Mashruuca ayaa tubooyin waaweyn biyaha ugu gudbin dooona magaalooyinka kale ee gobolka Laikipia ka tirsan tubooyinkaasi oo socon doona masaafo dhan ilaa 31km, iyagoo gaarsiin doona degmooyinka ka fog halka biyaha lagu keydiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here