Siyaasiyiinta iyo saraakiisha dowladda ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka qeylo dhaamiyey maandooriye nooca Baangida ah oo la sheegay in ay ka soo gashay xaduudka wadanka dalka deriska ah ee Itoobiya, waxaana ay daroogadu u soo tiloowday kowntiyada Mandheera iyo Wajeer.

Maandooriyaha Baangida ayaa la soo dhex geliyey taayerrada gawaarida oo ganacsi ahaan wadanka loo keeno, waxaana taayerrada laga soo bixiyey agabkii gudaha ugu jirey iyadoo la soo geliyey Xashiishadda si aaney ilaalada xuduuduhu u fahmin in taayerrada gudahooda ay ku jirto xashiishad.

Hogaamiyaha aqlabiyadda inta badan xildhibaannada baarlamaanka mudane Aadan Barre Ducaale ahna xildhibaanka laga soo doorto kowntiga Gaarisa ayaa sheegay Jimcihii in tiro badan oo dad dhallinyaro ahi uu maandooriyuhu soo ritay.

Ducaale ayaa sheegay in ay tahay mas’uuliyadda jiifafka iyo kaaliyeyaashooda in ay soo xaqiijiyaan kuwa daroogada ka ganacsada iyo kuwa kaalmada siiya si loo soo qabqabto loona soo xiro isla markaasina loo xukumo.

Xildhibaan Ducaale ayaa sheegay in waalidiinta ay dhowr jeer cabasho u soo gudbiyeen, waxaana uu intaa ku daray in dalku uu khatar ugu jiro in uu waayo da’yarta u soo kacday sababo la xiriira musiibo ay daroogo ku heyso dhallinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here