Labo dhaqaatiir ajnabi ah oo laga afduubtay magaalada Mandheera Jimcihii ayaa la soo sheegayaa in ay cabsida ay qabaan ay hore uga hadleen.

Dr Assel Herera Correa, oo ahaa dhaqtar guud iyo Dr Landy Rodriguez, oo ahaa dhaqtar qaliinka sameeya ayaa meel 5 km u jirta u shaqo tegi jirey maalin kasta.

Waxa ay ka howlgalayeen isbitaalka Mandera Level Four Hospital. Waxa ay ku jireen guri ay leedahay dowladda Mandheera.

Waxa labadooda laga afduubtay boosteejada baabuurta ee Banisa xilli ay isbitaalka u sii socdeen.
Askartii ilaalada u aheyd mid waa la dilay midna waa baxsaday waxaana gacanta lagu hayaa darawalkiii darawalkii dhaqaatiirta wadey, kaasi oo boolisku weydiinayaan su’aalo.

Afhayeenka booliska dalka Charles Owino ayaa jimcihii xaqiijiyey in dabley hubeysan oo lo shaki qabo in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab in ay dhaqaatiirtaasi ula gudbeen dhanka xuduudka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.
Cutubyo ka tirsan ciidammada KDF ayaa la soo sheegayaa in ay ka dabatageen dadka afduubka geystay , kuwaasi oo watey labo babuur oo yar yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here