3 Canug ayaa ku dhintay guri uu dab ka kacay oo ku yaal degaanka Likoni ee kowntiga Mombasa, galabnimadii Jimcaha.

Wiil 1 jir ah iyo gabar 5 jir ah ayaa ku geeriyooday halkaasi abaarihii 1.30 duhurkii iyada oo dabka la sheegay in uu qabsaday baloog 14 qol ka kooban goobtaasi oo lagu magacaabo Jamvi la Wageni.

Waxaana uu ka bilowday mid qolalka ka mid ah sida ay markhaatiyaashu ku soo waramayaan.

Dab damiyeyaasha ayaa halkaasi u gurmaday iyagoo la sheegay in ay heli waayeen meel ay daartaasi u maraan sababo la xiriira qorshe xumo dhismaha degaankaasi oo baabuurtu aysan geli kareynin.

Ku xigeenka taliska qeybta ee degaanka Likoni Elina Wanjala ayaa sheegtay in ay iyagu weli baaritaan ku wadaan sababta dabka dhalisay.

Mr Richard Oware, oo isagu ah carruurta dabka ku gubtay aabahood ayaa sheegay in dabku ahaa mid baaxad weyn oo fooda la gelin waayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here