Xildhibaannada gobolka W/Bari ayaa cambaareeyay in galley iyo digir oo keliya loo daabulo dadka ay abaaraha saameeyeen ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Waxa xildhibaannadu ay carabka ku dhufteen in dadka xoolaleyda ah ee socotada ah ay u baahan yihiin in ay helaan lacago ay goosaar ku soo iibsadaan.

“Annagu ma nihin qaxooti xeryo lagu soo ooday oo markii ay abaar dhacdaba aad cunto mucaawino ah ula soo carareysaan,” sidaasi waxaa sheegtay xildhibaanka degaanka Ijara Sofia Cabdi.

Xildhibaanka isaguna laga soo doorto degaanka Eldas mudane Adan Keynan ayaa soo jeediyey in si deg deg ah lacago loo siiyo dadweynaha iyagu u baahan in ay soo iibsadaan cuntooyinka ay u baahan yihiin.

Hogaamiyeyaasha iyo mas’uuliyiinta ururada bulsahda ayaa ka doodayey arrimaha abaaraha aafeeyay shacabka gobolka Waqooyi Bari Kenya, doodaasi oo ka dhacday caasimaddani Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here