Dabley ayaa afduubatay labo dhaqtar oo u dhalatay wadanka Kuuba, kuwaasi oo ka howlgalayey kowntiga Mandheera.

Dhaqaatiirta ayaa loo galay wadada.

Weerarkani ayaa dhacay abaarihii saacadda 9am aroornimadii saaka waxaana dableydu ay halkaasi ku dileen mid ka mid ah saraakiisha booliska ee ilaalinayey dhaqaatiirta.

Dadka wax soo weeraray ayaa watey labo gaari oo yar yar waxana ay ku horgooyeen gaarigii sidey dhaqaatiirta.

Waxaana ay ku degeen wadada iyaga oo rasaas ooda uga qaaday ilaalada booliska halkaasi oo markiiba uu mid ka mid ah boolisku ku dhintay.

Goobjoogeyaasha ayaa ku soo waramaya in sarkaalka kale uu goobta ka baxsaday, weerarka ayaa u muuqday in uu ka dhacay bartamaha magaalada Mandheera ee dhacda xuduudka gobolka Waqooyi Bari Kenya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here