Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya safar ay madaxweyanaha iyo hogaamiyaha xisbiga ODM ku tegi lahaayeen gobolka Mt Kenya.

Wararka Ilaha sirdoonka ayaa ku soo waramaya ay arrintan sabab u tahay barnaamijkii is-gacanqaadka ee Uhuru iyo Raila oo dadka gobolkaasi ay ka gadoodsan yihiin.

Ilha wararka ayaa sheegay in Uhuru uu doonayey in uu Raila la aado safarka mt Kenya waxaana qorshahaasi soo wajahay isbedel kadib markii sirdoonku soo jeediyeen in halkaasi amnigeedu uu aad u xun yahay.

Xildhibaan ayaa ku qeylo dhaamiyey “Ruto gobolkaas Ruto ayaa si weyn looga taageersan yahay, dadku waxa ay dareemayaan in William Ruto uu gobolkaas garab istaagay xilli uu Raila dhabarka u jeediyay dadkaasi oo uu wax u qaban waayey”

Saxaafadda ayaa sidoo kale sheegaysa in hogaamiyeyaasha gobolkaasi Mt. Kenya iyo dadka degaanka ay muujiyeen taageerada ay u hayaan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto waxaana ay sidoo kale muujinayeen in ay u arkaan is-gacanqaadka in uu yahay shirqool lagu dan-gaarayey oo loo dhigay madaxweyne ku xigeenka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here