Qeybo badan oo ka mid ah Soomaalida degan xerada qaxootiga Dadaab ayaan laheyn wax rabitaan ah oo ay uga baxayaan xerada Dhadhaab ee dalka Kenya.

Waxaa ay ka cabanayaa in ay jiran sababo amni oo dhanka dalkooda ay sheegayaan in ay uga horeeyaan abaaro, colaado, iyo shaqo la’aan daran.

Waxa ay dadkani rayidka ah sheegayaan in ay doonayaan in ay degaankooda Dhadhaab iska joogaan ilaa xaaladda Soomaaliya ay ka soo hagaagto, arrintan ayaa keenaysa in ay isku dhacaan dadyowga xerada ku jira iyo dowladda Kenya oo iyadu qorsheynaysay in ay irdaha isugu dhufato Dhadhaab, dhammaadka bisha Agoosto ee sanadkan.

Warbixin cusub ayaa sheegaysan in kumanaan kun oo Soomaali ah ay isaga guureen xerada Dhadhaab, xilli aysan helin mucaawinada safarka dib u noqodka ah ee laga helo hey’adda UNHCR.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here