Labo sarkaal oo ka tirsan jiifafka kowntiga Murang’a ayaa lagu eedeeyay dhaqan xumo xilli ay socoto howsha diiwaangelinta ee Huduma Namba.

Labada mas’uul ayaa la arkay iyaga oo ku jira dhibaato kadib markii ay cabitaan ku sarkhaameen oo isla markaasina mid ka mid ah la arkay isaga oo is dili raba.

Mid ka mid ah labada jiif ayaa la soo xiray kadib markii uu ku guuldareystay in uu mashiinada is-diiwaangelinta Huduma Namba dibadda u soo bixiyo aroor hore isaga oo taas bedelkeed sii aadey baar khamri oo goobta ka agdhowaa.

Maamulka howshaasi ee kowntiga ayaa lagu soo waramayaa in ay tillaabooyin shariciga ah ka qaadeen saraakiishaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here