Julius Assange, aasaasihii shirkadda Wikileaks

Aasaasaha WikiLeaks Julian Assange ayaa laga soo qabtay safaaradda dalka Ecoudor ay ku leedahay wadanka Ingiriiska.

Ninkani u dhashay dalka Australia ayaa magangelyo ahaan u galay safaaradaasi sanadkii 2012 halkaasi oo uu u magangalay si uu uga badbaado in maxkamad lagu soo taago wadanka Sweden si uu u wajahho dacwado lagu soo oogay oo sheegayey in uu geystay tacadiyo jinsiyeed.

Waxaa lagu soo waramayaa in boolisku ka soo qabteen gudaha safaaradda.

Booliska ayaa sheegay in ay Julian Assange oo 47 jir ah Khamiistii shalay ay ka soo xireen safaafadda Ecuador ay ku leeyihiin magaalada London.

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in ay xireen Assange kadib markii uu safiirka Ecuador uu casuumaad u fidiyey, sababtana waxa ay ku sheegeen in ay tahay in dowladda Ecuador ay soo afjartay magangelyadii ay safaaradda ku dhex siineysay Julius Assange.

Ninkani ayaa dhinaciisa sheegay in ay been la soo dhoodhoobay tahay arrimaha tacadiga Jindiyadeed ee uu u geystay gabar Swedish ah, waxaana uu tilmaamay in sababaha dacwadaha loogu soo oogayo ay tahay sidii looga aargoosan lahaa siraha diblumaasiyadeed iyo kuwa millitery ee uu ku soo bandhigay barnaamijkiisa Wikileaks sirtaasi oo uu isagu ka bixiyey dowladda Mareykanka.

Assange ayaa sirtaasi markii uu caalamka u soo bandhigay waxaa laga soo musaafuriyey wadanka Mareykanka, isaga oo magangelyo ka helay safaaradda dalka Ecuador ay ku leeyihiin Ingiriiska. Halkaasi oo haatan dalka Ecuador ay ku wareejiyeen booliska Ingiriiska.

Dadka taageera Assange ayaa u aqoonsan in uu yahay hormuud dhanka xoriyadda hadalka ah kaasi oo soo bandhigay tacadiyada dowladda Mareykanka isaga oo wax walba oo uu naftiisa ah ka hormarsiiyey in uu soo bandhigo dhibaato ama siyaasad khalafsan oo dowlad weyni caalamka ku heysay, taasi oo ay Mareykanku khatar ku gelinayeen dad badan oo ku kala nool wadammo caalamka ah.

Waxaana sirtaasi soo bandhigay ninkani lagu magacaabo Julius Assange ee leh aasaaska shirkadda Wikileaks.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here