Dowladda ayaa xoogga saareysa dadaal loogu jiro la dagaalanka xagjirnimada kadib markii lagala kulmay dhibaatooyin dhanka dhaqanka bulshada ah.

Xildhibaanka Dhadhaab Mohamed Dahir ayaa Khamiistii shalay sheegay in xagjirnimada lagu jebin karo oo keliya hadii bulshada ku dhaqan xuduudka laga warhayo laguna lug yeesho.

Waxa uu sheegay in dadka deggan kowntiyada xuduudka ee ay ka mid yihiin Garissa, Wajir, Mandera iyo Lamu ay yihiin kuwo iyagu dhanka nabadgelyada xalin kara haddiiba ay dhacaan dhibaatooyin dhanka amniga ah.

Isaga oo ka hadlayey Lamu ayaa Daahir waxa uu sheegay in farsamooyinka la xiriira xiritaanka xuduudka, ugaarsiga dhallinyarada iyo ugaarsiga kuwa la tuhmo iyo in bandow la soo rogo dhammaantood wax saameyn ah yeelan waayeen.

Waxaa uu talo ku soo jeediyey in la bedelo farsamada dagaalka isla markaasina bulshadu ay isku diyaariyaan in ay qeybtooda ka ciyaaraan isbedelka dagaalka lagula jiro xagjirka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here