Booliska kowntiga Tharaka-Nithi ayaa soo badbaadiyey haweenay 38 jir ah taasi oo lagu soo xiray guri ku yaalla xaafadda Muthenge ee kownti hoosaadka Maara.

Waxaa haweenaydani 38 jirka ah arrimahan kula taliyey dad qoyskeeda ka tirsan oo ay ka mid yihiin ninkeeda, sodogeeda iyo kuwaasi oo u sheegay in ay u baahan tahay in la gudo.

Haweenayda ayaa la tilmaamay in ay gurigeeda subaxii aroortii ka soo carowday lana geeyay qol cidlo ah isla markaasina gacnaha laga xiray.

Balse muddo kadib ayaa ay haweentu waxa ay taleefankeeda ka wacday Ms Kelly Rwigi oo ah haweenay hey’ad aan dowli aheyn oo lagu magacaabo Enlightened Generation International taasi oo ku carartay goobta soona badbaadisay haweenta iyadu la rabey in gudniinka lagu sameeyo.

Ms Rwigi ayaa hey’adda ay wadato waxa ay ku wargelisay booliska in ay arrinta soo faro geliyaan, kuwaasi oo iyagu haatan dabagal ku haya marxaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here