Ciidammada milleteriga wadanka Suudaan ayaa la shaaciyey in ay ‘Hadal muhiim ah’ shacabka u jeedin doonaan, sida ay saaka shaaciyeen telefishinka iyo raadiyaha dowladda.

Arrintan ayaa soo baxeysa xilli dibadbaxayaasha ay soo dhoobteen afaafka hore ee xarunta dhexe milleteriga dalka Suudaan iyaga oo dadku dalbanayaan in uu is casilo madaxweyne Cumar Al-Bashiir.

Warbaahinta dalkaasi ayaa shacabka u sheegtay in ay ka war sugaan war ka soo bixi doona ciidammada, ma aysan faahfaahinin waxa uu warkaasi noqon doono.

Banaanbaxyada ay dadku la hortaagan yihiin xarunta ciidammada ayaa gelaya maalintii 6-aad, waxaana saacadihii hore ee maanta la arkayey ciidamo dheeraad ah oo sii gelaya xeradaasi oo iyadu la sheegay in ay hoy u tahay ciidammada dalkaasi iyo weliba madaxweynaha, sidoo kale waa wasaaradda difaaca dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here