Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ugu dambeyn ka tegay talada wadankaasi Suudaan.

Arrimahan ayaa yimid kadib markii maanta si weyn la isugu soo baxay caasimadda Khartuum halkaasi oo milleteriga dalkaasi kuwaasi oo iyaguna gudaha u galay guriga madaxweynaha iyo wasaaradda difaaca dalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu talada wareejiyey.

Dhanka kale, waxaa jira gabood fallo ay geysteen qaar ka tirsan saraakiisha ciidammada milliteriga iyadoo Hey’adda Human Rights Watch ay sii deysay muuqaallo muujinaya ciidanka Suudaan oo shacab badan ku furaya rasaas, oo ay hoos u dhigayeen.

Ciidammada ayaa sheegay in ay shacabka garab istaagi doonaan iyaga oo shaacinaya cida talada lagu wareejiyey, kadib bixista Al-Bashiir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here