Donald John Trump, madaxweynaha 45-aad ee dalweynaha Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka badbaabay afgembi la soo qorsheeyay oo isugu jira baaritaanno iyo dabagal.

Trump ayaa faray xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka waxaana in uu dabogal ku sameeyo meesha uu ka soo ulkamay baaritaanka lagu sameeyay ee caddeeyay in isaga iyo Ruushka ay xiriir yeesheen.

Trump ayaa yiri: “Arrintaasi uu baaritaanka ku sameeynayey dembi baare Robert Mueller waxa ay aheyd afgembi dhicisoobay oo dowladdeyda lala damacsanaa.”

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa isna sheegay in uu rumaysan yanay in dawladda Mareykanku ay si qarsoodi ah ula socotay ololihii Trump.

Sirdoonka Maraykanka ayaa horay u sheegay in ay si qarsoodi ah dabagal ugu sameeyeen dad Ruush ah, balse aysan si qarsoodi ah u dabo galin ololihii doorashada ee Trump.

Habeenimadii xalay ayaa waxaa uu Donald Trump ka soo hormuuqday warbaahiyeyaasha caalamka isaga oo ku dhawaaqaya in baaritaankii ay samaysay waaxda caddaaladda Mareykanka in uu ahaa afgembi lagu damacsanaa in talada isaga looga xayuubiyo.

Waxa uu sheegay in isaga iyo xisbigiisa jamhuurigu ay ka guuleysteen dadkii weerarka soo qaaday, waxaa uu sheegay in ololihiisa doorashada aysan jirin wax wadashaqeyn ah oo dhex martay isaga iyo Ruushka sanadkii 2016-kii. Trump ayaa tilmaamay in intaa kadib la soo abaabulay dembiyo been abuur ah oo la damcay in qasab xilka looga rido.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here