Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sar oo saaka ka khudbeynayey xarunta xisbiga Likud ee caasimadda Tel Aviv, April 10, 2019.Ammar Awad/Reuters/Soo ururuntii iyo tarjumadii weriye BURHAN BIKOLO.

Labada siyaasi ee ku loollamaya doorashooyinka wadankaasi Israaiil ayaa labaduba guulo ka sheegtay in ay ka gaareen doorashooyinka ka soconayaa dalkaasi.

Benjamin Netanyahu iyo ninka ugu weyn ee la tartamaya Benny Gantz ayaa sheegtay in ay labaduba guulo fiican ka gaareen doorashooyinka oo weli wax ka harsan yihiin.

Natiijooyinka hor dhaca ah ee soo baxaya ayaa subaxnimada Arbacada sheegaya in hogaamiyaha garabka midig laga yaabo in uu ku guuleysto madaxtinimada in uu la wareego teeramkiisa 5-aad.

Doorashooyinka guud ee Israa’iil ayaa haatan weli soconaya iyadoo labada dhinac Netanyahu iyo Gantz ay xalay labada taageerayaashoodu dabaaldegeen oo ay ku faanayaan in midba uu isagu cod badan helay hadana weli lama wada tirin codadaka, sida warbaahinta gudaha ay ku soo warameyso.

Mr Netanyahu oo 69 jir ah ayaa doonaya in uu dadweynaha Israa’iil u diro fariin sheegaysa in uu isagu ku fiican yahay in uu amniga dalkaasi sugo, tani oo ah mid dadku aad u daneynayaan, sidoo kale waxa uu xiriir hoose la leeyahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Netanyahu ayaa u sheegay dadka Israa’iil in wax kasta oo caalamka kaga xirnaa uu isagu soo dhammeyn doono haddii ay ahaan laheyd xalaaleysiga dhulalka ay xoogga ku heystaan iyo haddiiba siyaabo kale loo sharciyeyn lahaa dhulalka ay Yuhuuddu ka qabsatay wadammada Carabta.

Ha yeeshee Mr Netanyahu ayaa wajahaya dacwado dhanka musuqa ah kuwaasi oo isagu uu beeniyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here