Dalai Lama, wadaadka reer Tibet ee dalweynaha Shiinaha

Hogaamiyaha qowmiyadda Tibet wadaadka caanka ah ee Dalai Lama ayaa loola cararay isbitaal ku yaal magaalada New Delhi ee caasimadda wadanka Hindiya.

Waxaa ku soo booday caabuq dhanka xabadka ah, dhaqaatiirta ayaa ka baareysa sababta keentay infection ku soo booday wadaadka, sida ay ku soo warameyso wakaaladda wararka ee Reuters.

83 jirka ayaa ah hogaamiye diimeed 60 sano ka hor u cararay dhanka Hindiya kadib markii uu hogaanka u qabtay kacdoon dhicisoobay oo uu uga soo horjeeday dowladda Shiinaha. Dalai Lama ayaa doonayey in gobolka weyn ee Tibet uu ka madaxbanaanaado Shiinaha.

Dalai Lama ayaa heysta abaalmarinta Nobel peace waxaana muddooy8inkii ugu dambeeyay caan ku ahaa hadallada xikmadda leh ee uu shirarka caalamka ka jeedin jirey.

Shiinaha ayaa sutida u qabtay talada dhulka reer Tibet sanadkii 1950-kii waxaana Shiinuhu ay u arkaan Dalai Lama in uu yahay gooni u goosad khatar ku ah midnimada dalka Shiinaha.

Lama oga cida bedeli doonta haddii uu geeriyoodo wadaadkaani Dalai Lama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here