Baarlamaanka dalka Al-Jeeriya ayaa afhayeenka aqalka sare u magacaabay in uu qabto jagada sii haye ee madaxweynaha qaranka.

Abdelkader Bensalah, ayaa xilka ka wareejiyey madaxweynihii hore Abdelaziz Bouteflika.

Mr Bouteflika ayaa isagu talada soo hayey 20 iyo dheeraad, waxaa uu is casilay asbuucii tegay kadib markii looga horyimid banaanbaxyo waaweyn.

Sii hayaha xilka madaxweynanimo ee baarlamaanku uu idmaday Mr Bensalah ayaa sii hogaamin doona dalka ilaa doorashooyinka madaxweynanimo laga qabanayo.

Banaanbaxyo ayaa la arkayey looga soo horjeedo magacaabista afhayeenka baarlamaanka Abdelkader Bensalah, iyadoo dadweynuhu dalbanayaan in Bootefliiqa iyo saraakiisha ku hareeraysan ay isaga tagaan xukuumadda Al-jeeriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here