Sheeko ayaa ka dhacday saldhigga booliska ee degmada Langata.

Dhacdada ayaa timid kadib markii askartani milleteriga ah ay saldhiga u raadiyeen in ay sii daayaan askari iyaga ka tirsanaa oo loo soo xiray eedeeymo la xiriira in uu dhib u geystay ciidanka wadooyinka.

Abaanduulaha ismaamulka Nairobi Philip Ndolo ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in la xiray askari KDF ah oo jirdil u geystay askari booliska wadooyinka ah.

Askariga ciidanka milleteriga ah ayaa dhulka ku legday askariga kale ee tiraafikada ahaa. Waxaana intaa kadib la soo xiray askarigii milleteriga ahaa maadaama uu la diriray tiraafikada wadooyinka.

Intaas waxaa xigey in laga war helay 5 askari oo ciidanka KDF ay duulaan ku qaadeen saldhiga Langata si ay u sii daayaan saaxiibkood.

Iska horimaadka halkaasi ka dhacay ayaa sababay in booliska ay rasaas kor u ridaan, ugu dambeyntiina waxaa askariga KDF-ta ah lagu wareejiyey ciidanka milleteriga-booliska ah si loo ogaado dhibka meesha ka dhacay.