Dhawaaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa caasimadda Khartuum ee wadankaasi Suudaan.

Rasaasta ayaa ka dhacday banaanka wasaaradda difaaca ee dalkaasi iyadoo telefishinnada ay muujinayaan laamaha amniga oo isku dayeya in ay joojiyaan dibad baxyo halkaasi ka dhacayey.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda ayaa sheegaya in ciidammadii ilaalada ka ahaa wasaaradda in ay iyagu fureen rasaasta.

Suudaan ayaa waxaa ka soconaya banaanbaxyo bilo soconayey kuwaasi oo cuuryaamiyey dhaqaalaha dalkaasi.

Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeynaya madaxweynaha dalkaasi Mr. Cumar Xasan AlBashiir in uu ku tuntay xuquuqda dadka kaasi oo dalkaasi awood millitary kula wareegay sanadkii 1989-kii.

Bashir waxaa ku dabajira maxkamadda dembiyada dagaalka ee caalamiga ah ee ICC taasi oo dooneysa in ay kusoo oogto dacwado isaga ka dhan ah.

Dibadbaxayaasha ayaa ku cadaadinaya ciidammada milleteriga in ay xukunka ka qaadaan Al-Bashiir, hase yeeshee taasi ayaa noqotay mid aaney dowladdu weli aqbalin.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Bishara Jumaa, ayaa baarlamaanka u sheegay in Isniintii oo keliya 6 qof la dilay iyadoo dilalku ay sii soconayeen Sabtidii iyo Axadii.

Waxa uu sheegay in dilalkaas ay ka dhaceen gobolka Galbeedka xiga ee Daarfuur.

Waxa uu tilmaamay in 15 shacab ah lagu dilay 42 xubnood oo laamaha amniga ka tirsanna ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii dibad baxayaasha iyo ciidammadu fooda is dareen, halkaasi oo lagu qab qabtay dad dhan 2,496 dibadbaxayaal ah, caasimadda Khartoum gudaheeda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa Isniintii shalay ku booriyey dhammaan qeybaha in ay deganaanshiyaha ku dadaalaan, kana waantoobaan rabshadaha, sida uu ku soo waramayo afhayeenka Qaramada Midoobey Stephane Dujarric.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here