Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ka jawaabay afduub dalkiisa loogu geystay haweenay dalxiise Mareykan ah oo dalkaasi lagu afduubtay dhowaan.

Waxa uu sheegay in amniga Uganda uu yahay mid la isku haleyn karo isaga oo gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in aan la isku haleyn karin dalxiiska dalkiisa.

Waxa uu sidoo kale wacad ku maray in kor loo qaadi doono amniga ajaanibta ku sugan goobaha duurarka ah ee loo dalxiis tago.

Dhowaan ayey aheyd markii Haweenay u dhalatay dalka Mareykanka lagu afduubtay dalkaasi Ugaandha.

Wararku waxa ay sheegayaan in haweentaasi maalinimadii Axadda dib loo soo furtay iyada oo qoyskeeda la weydiistay lacago badan oo madax furasho ah.

Niman hubeysan ayaa haweenaydaasi dalxiisaha watay waxaana ay sii daayeen lix beri kadib iyaga oo keenay goobtii ay ka afduubteen oo ah beerta xayawaanka ee Queen Elizabeth National Park.

Afhayeenka booliska wadanka Uganda Fred Enanga ayaa saxafiyiinta u sheegay in haweenta lagu wareejiyey safaaradda Mareykanku ku leeyahay caasimadda Kampala Isniintii shalay.

Ciidammada millitariga Ugaandha iyo ciidammada dowladda deriska la ah dalkaasi ee ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Koongo ayaa in muddo ah dabagal ku hayey afduubteyaasha oo la sheegay in ay baxsadeen markii ay heleen lacagihii madaxfurashada ee ay weydiisteen waalidiinta gabadhaasi oo iyadu ka timid gobolka California ee dalka Mareykanka.

VIDEO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here