Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axadii shaaca ka qaaday in ay shaqada ka tagtay wasiiraddii amniga gudaha Mareykanka Kirstjen Nielsen.

Bixitaanka ay meesha ka baxday Kirstjen Nielsen, ayaa u gogol xaareysa in tillaabooyin cusub oo dhanka adkeynta ah loo qaado dhinacyada adkeynta siyaasadda soo galootiga.

Mareykanka ayaa fooda la galay marxaladda ku saabsan sidii kloo dejin lahaa siyaasadda kaga aadan soo galootiga dhanka wadammada Laatiinka, xilli si sharci darro ah loo galayo dalkaasi.

Xuduudka Koonfureed ee dhanka Mexico ayaa laga heystaa Mareykanka waxaana adkaaday xiriirkii u dhexeeyay wasiirka arrimaha amniga gudaha ee dalka Mareykanka mawro Nielsen iyo madaxweyne Trump.

Waxa ay ka mid aheyd kooxda Trump ee sida aadka ah afkaarta madaxweynaha u difaaci jirey. Waxaana dhowr jeer ay xisbiga dimuqraadigu ugu baaqeen in ay is cashiso.

Madaxweyne Trump ayaa batiisa twitter-ka ku yiri:

“Xoghayaha amniga dalka Kirstjen Nielsen waa ay tegi doontaa, waxaana jeclaan lahaa in aan uga mahadceliyo howsha ay noo qabatay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here