Taliyaha cusub ee booliska dalka ayaa maanta la dhaarin doonaa waxaana sida la sheegayo sugeysa howl culus.

Taliyaha cusub ee booliska, Mr Hillary Mutyambai ayaa waxaa dhaarintiisa goobjoog ka noqon dooa garsooraha sare ee dalka David Maraga waxaana lagu wadaa in dhaarintiisa ay dhacdo maanta oo Isniin ah gelinka hore.

Dhaarinta ayaa imaaneysa xilli uu Mtyanbai uu ku soo guuleystay baaritaannadii ay ku soo sameeyeen baarlamaanka dalka.

Garsoore Maraga ayaa sidoo kale ka soo hormuuqanaya 7 xubnood oo madaxweynaha dalka uu u xilsaaray in ay soo baaraan arrimo ku saabsan qareenka garsoore Jackton Ojwang’ kaasi oo isagu dhowaan howsha maxkamadaha laga hakiyey.

Munaasabahadani oo maanta ka dhici doona daaraha maxkamadda sre ee dalka ayaa waxaa isku dubaridi doona diiwaangeliyaha garsoorka Ms Anne Amadi.

Taliyaha cusub ee booliska dalka Mr Mutyambai ayaa noqon doona kan ugu horeeya ee isagu subaxnimada la dhaarin doono, waxaana uu u sii gudbi doonaa xafiiska taliska booliska ee Jogoo House ‘A’ halkaasi oo uu kula kulmi doono taliyihii isaga ka horeeyay Mr Joseph Boinnet, kaasi oo ku wareejin doona awoodaha taliska ciidanka booliska dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here