Hillary Mutyambai oo ah taliyaha cusub ee booliska dalka ayaa loo dhaariyey xafiiska booliska dalka.

isbatooraha guud ayaa xil dhaarintiisu waxa ay maanta ka dhacday maxkamadda sare ee dalka.

Mr Mutyambai ayaa sheegay in boolisku ay kaalintooda ka ciyaari doonaan dagaalka soconaya ee ka hortagga musuqmaasuqa.

Taliyaha cusub oo hore u soo ahaan jrey sarkaal dhanka sirdoonka ah ayaa diiradda saari doona la dagaalanka argagixisada iyo xoolo kala dhicista ka jira dalka, taasi oo iyana la sheegay in ay tahay khatar dhanka amniga ah oo dalka heysata.

Waxaan si wadajir ah uga shaqeyn doonaa dhameystirka howlaha booliska dalka ee lambareynta ku saabsan, isaga oo tilmaamay in isbedelladii uu madaxweynaha sameeyay ay sii socon doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here