Gen. Haftar ayaa ahaa taliyihii ciidammada millitariga ee dowladdii Mucammar Al-Qadaafi, waxaana uu waxba kama jiraan ka soo qaaday dowladda UN-ku taageero ee dalkaasi laga dhisay sanadkii 2015-kii.

R/wasaaraha dowladda taagta yar ee ay taageerto Qaramada Midoobey, Fayez Sarraj, ayaa sheegay in dowladdiisu ay u diyaarsan tahay in ay ka hortagto maleeshiyaadka daacada u ah Gen. Khalifa Haftar.

Abaanduulaha millitariga ah ee hogaaminaya jabhadda LNA ayaa isagu la sheegay in uu ku sugan yahay duleedka magaalada Tripoli halkaasi oo ay ku horfadhiyaan ciidammada dowladda.

Waxa lagu soo waramayaa in Haftar damacsan yahay in uu afgembiyo dowladda Liibiya.

Warfaafinta dunida Carabta ayaa soo bandhigeysa ciidammada Haftar oo galaya irdaha gegida dayuuradaha ee caalamiga ah ee Tripoli ka hor intii aaney qabsanin daaraha ku hareeraysan garoonkaasi.

Ma jirto wax iska caabin ah oo ka horyimid Gen. Haftar.

Telefishinka Al-Arabiya TV ayaa sheegay in xoogagga Haftar ay qabsadeen degmada Khalat al-Fargan ee caasimadda, VOA ayaan xaqijiinin sheegashadaasi.

Afhayeen u hadlay xoogagga Haftar, oo lagu magacaabo Col. Ahmad Almismari, ayaa saxaafadda u sheegay Sabtidii in ay heystaan 4 degmo oo caasimadda ka mid ah, xilli ay ciidammad cirka ee Haftar ay dusha sare ka duqeeyeen magaalada Tripoli.

Waxa uu sheegay in ay heystaan magaalooyinka Gharyan, Jendouba, Qasr al-Beshir iyo Suwani, isaga oo tilmaamay in ay dhanka dowladda ay ka dileen 14 askari.

Warar hoose ayaa sheegaya in Faransiisku uu si hoose u taageero Jen. Haftar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here