Golaha ismaamulka kowntiga Nyandarua ayaa khasaaray lacag dhan 50 milyan oo ah miisaaniyad sanadeedkii 2017/2018.
Lacagtani ayaa lagu arki waayey howlaha soo dejinta iyo waxqabadka dowladda kowntigaasi.

Warbixin uu soo saaray hanti dhowrka guud ee kowntigaasi Edward Ouko ayaa uu ku dhaliilay qaladka in uu leeyahay golaha kowntiga isaga oo sabab u soo qaatay inaysan kowntigu qaadin tillaabooyin ka gaashaamasho ah oo lagu qiimeynayo hanti dhowrka kuwaasi oo ay xitaa ku jiraan isla xisaabtanka iyo ka hortagga been abuurka.

Waxa uu intaa ku daray, in golaha baarlamaanka ee kowntigasi aysan laheyn qorshe ka hortagga musiibooyinka ah, tani oo macnaheedu yahay in xogta dhabta ah aan la heli karin lacala haddiiba ay musiibooyin ka dhacaan kowntiga.

Waxa uu sheegay in golaha kowntigaasi ay isticmaalaan oo keliya buugaag ay lacagaha ku xisaabsadaan iyo qaab xisaabaadka Excel-ka ah oo lagu diiwaangeliyo wixii baxay, marka loo barbardhigo labo buug oo iyagana sheegaya isweydaarsiga lacagaha iyo la bixitaanka kharashaadka diiwaangashan.