o

Cunaqabateynta Mareykanka ayaa la sheegay in ay hor istaagtay in mucaawino la gaarsiiyo kumanaan qof oo ku waxyeeloobay daadad ku soo rogmaday wadanka Iiraan.

Hey’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in ay Iiraan heysanin taageero  dhanka caalamka ah. Waxaa sidoo kale la sheegay in daadadka ay ku dhinteen ilaa 70 qof halka 1,900 xaafadoodna ay ku qarqameen, sida bisha Cas ay sheegtay.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo asbuucii tegay hadlay ayaa sheegay in Washington ay diyaar u aheyd in ay kaalmo u sii marsiiso Ururka caalamiga ah Waxaase uu ku eedeeyay Iiraan maamulkeeda wadaadada ah in ay si qaldan u maareeyeen kharashaadkii loogu talo galay shacabka Iiraan ee dhinacyada ka gaashaamashada musiibooyinka degaannada dalkaasi.

Bisha Cas ayaa ku tilmaantay cunaqabateynta Mareykanka mid arxan darro oo saameysay dhaqaalihii ururada gargaarka ee Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Mohammad Javad Zarif oo u jawaabayey Pompeo ayaa isaguna sheegay in waxa soconaya aysan aheyn dagaal dhaqaale ama gargaar la gaarsiinayo degmo daad ku rogmaday balse uu yahay argagax dhaqaale oo Mareykanku doonayo in uu ku rido wadanka Iiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here