Taliye ku Xigeenka ciidammada booliska federaalka Soomaaliya, S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed.

Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo ah ku xigeenka taliyaha guud ee ciidammada Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab (UGUS) ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Hadal saxaafadeed ay jeedisay ayaa ay ku sheegtay Taliye Zakiya in ay ciidankeedu degaanka Ceelasha Biyaha ku soo qabteebn aad u farabadan oo isugu jira Bambooyin, Miinooyin, Suumanka qaraxyada iyo agab kale oo lagu qariyey god weyn oo ay halkaasi ka qoteen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa hadalkeeda ku dartay in howlgal ciidammadu ka sameeyeen degmada Afgooye lagu soo qabtay 35 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxa ay sheegtay in 14 kale laga soo qabtay deegaanka Sabiib.

Zakiya ayaa sharaxaad ka bixisay in dadka la soo qabtay ay yihiin dadkii qarxin jirey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

RIIX HOOS OO KA DAAWO VIDEO-GA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here