Magaalada Kismaayo waxaa ka furmaya shir ay maanta yeelanayaan guddiyada dastuurka ee heer federaal.

3 maalmood ayaa shirkani lagu wadaa in uu socdo iyada oo lagu soo bandhigi doono kulankaasi Cutubyada 1-aad ilaa 9-aad oo ay dib u eegis ku soo sameeyeen guddiyada Dastuurka dalka.

Kulankan ayaa waxaa uu hordhac u yahay kulamo la tashiyo ah oo ka dhici doona dhammaan Deegaanada ay maamulaan madaxda dowlad goboleedyada iyo kan gobolka Banaadir.

Waxaa magaalada Kismaayo goor hore ee shalay gaaray wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka iyo gudoomiyaha dib u eegista dastuurka 2-da aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here