Hogaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga ayaa sheegay in uu garab taagnaan doono saaxiibkiisa siyaasadda oo uu sheegay in uu yahay Uhuru.

Raila ayaa sheegay in uu ku dheganaan doono siyaasadaasi ilaa iyo inta uu socdo heshiiska isgacan qaadka.

Raila ayaa hadalkani ka jeediyey machadka tababarka caafimaadka ee KMTC ee kowntiga Migori waxaana hadalka Raila uu ku soo beegmayaa xilli uu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo taageerayaashiisa ay iyaguna munaasabad ka dhaceysay Isiolo ka sheegeen in madaxweynaha khudbadiisa ay aheyd mid loo bogay oo musuqmaasuqa uu kaga hadlay.

Dhanka Raila marka la eego waxa uu markiiba ku booday in uu difaaco madaxweynaha isaga oo ka soo jiidanaya siyaasiyiinta kale, waxaana uu sheegay in madaxweyne Uhuru uu dagaalka musuqa uga hadlay si halyeynimo ah.

Raila ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xaqiijinayo in lagu guuleysto dagaalka lagula jiro musuq-maasuqa.

Madaxweyne Kenyatta ayaa isagu baarlamaanka hortiisa ka sheegay in aan dib looga noqon doonin dagaalka musuq maasuq ee dalku galay, isaga oo sharaxay in musuqa uu yahay midka keliya ee Kenya dib u dhigaya.

Raila ayaa dhankiisa adeecay in uu si buuxda u doorbiday taageerida madaxweynaha iyo balanqaadka khudbadiisa.

Kooxda Raila la socotay oo ka kooban horin xildhibaanno ah ayaa uga digay koox ay ku tilmaameen “Tanga Tanga” in ay madaxweynaha madaxa ka wareeriyaan waxaana ay ku baaqeen in aan la marin habaabin madaxweynaha dagaalka uu kula jiro musuqa.